Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Maanta Shir Jaraa’id warbaahinta ugu Magaalada Muqdisho, waxaana uu ka hadlay xiisada colaadeed ee Galmudug ka soo cusboonaatay.
Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur in deegaano ka tirsan Galmudug ay ka soo cusboonaadeen xiisado u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.
Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in Is rasaaseyn kooban Maanta ay ka dhacday degmada Matabaan, isla markaana u dhexeeysay Ciidanka dowladda iyo Ahlusunna, waxaana uu xusay in dowladda shalay la wareegtay deegaan ku yaalla inta u dhexeeysa Guriceel iyo Magaalada Dhuusamareeb.
Dowladda Federaalka ayuu eedeeyay inay ku mashquulsan arrimo dagaal, xili looga baahnaa inay gurmad u sameeyso dadka uu fatahaada Wabiga Shabeelle ku saameeyay Magaalada Baladweyne.
Isaga oo sii hadlaayay hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu dowladda Federaalka ugu baaqay inay joojiso colaada ay ka wado deegaano ka tirsan Galmudug, isla markaana ay usii jeesato sidii loo badbaadin lahaa dadka ku dhibaateysan Baladweyne.
Ugu dambeyntii C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in Dawladda ay qaadaneyso Mas’uuliyada dagaalkaas, isagoona Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka dowladda ee Galmudug uga baaqay inay ka waantoobaan Colaada uu sheegay inay kasoo Cusboonaatay halkaas.
Si kastaba hadalka hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo Maanta dagaal uu dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, kaasi oo ka dhacay Degmada Matabadaan, iyadoona markii dambe Ciidanka DF ay la wareegeen halkaas.