Wargeyska The Independent ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray inay Dowladda Britain min 100 million oo Geni kaalmo ahaan u siin doonto dalalka Somalia iyo Britain, si loogu badbaadiyo in ka badan Hal million oo qof oo ku macluulsan dalalkaasi.
Dowladda Britain ayaa sheegtaay inay Somalia iyo South Sudan siinayso midkiiba xirmo Lacageed oo dhan 100 million oo Geniga Istaliinka, kadib, markii laga digay macluul baahsan oo ka jirta dalalkaasi.
Kaalmadaasi dhaqaale ayaa la sheegay in loo adeegsan doono sidii cunto, biyo nadiif ah oo la cabo iyo Daryeelka Caafimaadka Dedegga loogu gaarsiin lahaa dadka ku nool Goballadda ay ka jiraan Abaaraha iyo Colaadaha.
Hadal ka soo baxay Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Britain (The Department for International Development (DFID) ayaa sheegtay inay khatar kale ee dhinaca Macluusha ka jiraan dalalka Somalia, Yemen iyo W/bari ee dalka Nigeria.
Dhinaca kale, Hadal qoraal oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Horumarinta Caalamiga, Priti Patel ayaa sheegay inay Britain waajib ku tahay inay ka jawaabto Xiisadaha ka aloosan saddexdaasi dal si loogu hortago Masiibo.
Ku-dhawaad 260,000 oo qof oo kala bar carruur ahaayeen ayaa waxay gaajo ugu geeriyoodeen dalka Somalia dhowr iyo tobankii la soo dhaafay, taasi oo ka dhigtay Masiibadii ugu weynayd Cuntadda ee Caalamka sannadkii 2011-kii.
©Radio Dalsan