Dowladda Britan ayaa ka digtay in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynenimadda ee Maamulka la magac baxay Somaliland ee W/galbeed dalka Somalia.
Danjiraha Britain u joogta Somalia, Harriet Mathews ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabatay magaalladda Hargeysa, waxayna ka digtay inuu dib u dhacaasi waxyeeleeyo magaca Somaliland.
Danjiraha ayaa shaacisay inuu cad yahay Go’aanka ay Dowladda Britain ka taagan tahay Qabsoomida Doorashadda Somaliland, waxayna ku boorisay Maamulkaas inaysan Doorashaddu ka dib dhicin xilligii loo qorsheeyey.
Hadalkeeda ayaa yimid, iyadoo ay Xisbiyadda Mucaaradka ku eedeeyeen inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” doonayo in Xilliga loo soo kordhiyo iyo inuu joojiyo Doorashada Madaxweynaha ee la qorsheeyey inay dhacdo bisha March 17-da ee sannadka soo socda.
Somaliland waa Gobal ka go’ay Somalia sannadkii 1991-kii oo ay Deganaansho buuxdo ka jirto, balse ilaa iyo haatan ma jiro Waddan aqoonsaday Sheegashooda inay yihiin Dal ka madax bannaan Somalia.
©Radio Dalsan