Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Ala-sacuud ayaa amar ku bixiyey Kharaj Gaar ah oo loogu tala galay inay sannadkan ku xajiyaan 1,400 qof oo isugu jira Rag iyo Haween Muslimiin ah oo ka soo kala jeeda 60-Waddan oo ku kala yaalla Qaaradaha Afrika, Asia iyo Europe.
Wasiirka Arrimaha Islaamka, Dacwadaha iyo Hanuuninta ee Sacuudiga, ahana Madaxa Fulinaya Barnaamika ay ku xajinayaan Dadkaasi, Sheekh Saalax Bin C/casiis Bin Maxamed Al-shiikh ayaa arrinkaasi kaga dhawaaqay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.
Waxa uu sheegay inuu Boqor Salmaan ugu deeqay Kharajka ay Dadkaasi ku gudan doonaan Waajibaadka Xajka ee sannadkan 1437-da ee Taariikda Hijiriyadda Islaamka.
Wasiirka waxa uu tilmaamay in Xujeyda uu Boqor Salmaan u fududeeyey inay soo xajiyaan sannadkan ka soo kala jeedaan 60 Waddan oo ay ka mid yihiin: Somalia, Ethiopia, Kenya, Eretria, South Sudan, Jasaa’irka Komoro, Zambia, Burundi, Botoswana, Malaysia, Indonesia, Turkey, Filibiin, Pakistan, India, Sri Lanka, Afganistan, Uganda, Bosnia Herzogavina, Albania, Kosofo, Ukraine, Usbakiztan, Nigeria, Cameroun, Libya, Ivory Coast, Benin, South Africa, Zimbabwe, Mali iyo kuwo kale.
Dhinaca kale, tan iyo markii uu bilowday Barnaamijka Dowladda Sacuudiga ku xajisayso Muslimiinta, waxaa ilaa iyo haatan ka faa’ideystay in ka badan 24,000 oo Xaaji oo ka kala socda Dalalka Caalamka.
Xigasho: AAWSAT
©Radio Dalsan