Donald Trump oo kordhinaya Miisaaniyadda Difaaca iyo Kharajka lagu masaafurinayo Muhaajiriinta aan Sharciga lahayn,

Miisaaniyadda ugu horreysa ee Maamulkiisa y wxa uu ku doonayan in la kordhiyo Khrajka Difacm Dhismha Derbiga laga dhisayo Xuduudka Meksiko iyo in kharaj badan lagu bixiyo Tarxiilka Muhaajiriinta aan sharciga lahayn.

Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka waxaa 6.8% loo kordhiyey Miisaaniyadeeda iyo lacago dheeraad ee Shaqaalaheeda ku hawlan soo-qabashadda, xirista iyo masaafurinta Muhaajiriinta aan Sharciga lahayn.

Donald Trump waxa kale oo uu hoos-u-dhigay Kharajka loo adeegsan jirey Kaalmadda Caalamiga ee la siiyo Bnagiga Adduunka, Hay’adaha Caalamiga, kuwa Samafalka, Dalalka Saboolka iyo kuwa ay ka dhacaan Masiibooyinka Dabiiciga.

Kongareeska Maraykanka oo ay ku xooggan yihiin Mudanyaasha tageersan Xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa laga yaabaa inay diidaan qaar ka mid ah Soo-jeedinta Trump ku jarayo Miisaaniyadaha qaarkood.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media