Boqolaal Tahriibayaal oo maanta laga badbaadiyey xeebaha Libya

Kooxaha Gurmadka ayaa la sheegay inay maanta soo badbaadiyeen ku-dhawaad 400 oo Tahriibayaal ah oo ay la qalibantay dooni maarayey Badweynta Mediterreanka oo u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga.

Kooxaha Gurmadka waxay kaloo sheegeen inay qeybta hoose ee doonidaasi ka heleen maydadka 4 qof oo la sheegay inay caburmeen.

Mid ka mid ah Tahriibayaasha ayaa la sheegay in la daaweynayo, kadib, markii la helay isagoo ay xaalladiisa aad u liidato

Dhinaca kale, Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay maanta soo badbaadiyeen  ku-dhawaad  500 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la socday  3 doon oo dul sabaynayey meel 32 KM ka baxsan Xeebaha Libya.

 

©Radio Dalsan

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media