Afhayeen u hadlay  Ilaaladda Xeebaha ee dalka talyaaniga ayaa sheegay inay shalay oo Axad ahayd so obabaadiyeen Ku-dhawaad 700 Tahriibayaal, kuwaasi oo la socday 7 dooni oo ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Libya.
Afhayeenka, waxa uu intaasi ku daray inay Maraakiibta Ilaaladda Xebaha Talyaaniga iyo Markab Ganacsi ay soo badbaadiyeen Tahriibayaashaasi oo badankooda u kala dhalashay dalalka Somalia iyo Eritrea.
Dadkaasi waxaa ku jiray Tobaneeyo haween iyo carruur.
Dhinaca kale, Ciiddanka Ilaaladad Xeebaha Talyaaniga waxay Jimcihi ila soo dhaafay so obadbaadiyeen ilaa 1,000 Tahriibayaal oo la socday dhowr dooni oo aad loo soo buux dhaafshay.
Tahriibayaal kale oo la badan 500 oo qof ayaa gaaray Dekedda Porto Empedojle ee Jesiiradda Sishiliya ee Talyaaniga.