Boqolaal Dadweyne ah oo ku hor banaanbaxay Safaarada Imaaradka ee M/Muqdisho

Boqolaal isugu jira Muruq maalato iyo Ganasato ayaa Maanta waxa ay dibadbax ka hor dhigeen Safaarada Soomaaliya ay ku leedahaygaar ahaan muqdisho Dowladda Imaaraadka Carabta.

Dadkaan ayaa waxa ay ka cabanayeen sida la sheegay Xaquuq ay ku leeyihiin Safaarada iyagoo ka qeyb qaatay dhismaha Safaarada halka kuwo kalena ay ka cabanayeen in ay deymo ku leeyihiin.

Qaar kamid ah Muruq maalatadii ka qeyb qaatay dhismaha Safaarada ayaa waxa ay sheegeen in aan wax lacag ah lasiinin mudo 15 Maalmod ah oo ay shaqeynayeen islmarkaana markii ay u doonteen aan lasiinin wax jawaab ah lagana xirtay Al-Baabada Safaarada.

Dhanka kale Ganacsatada qarkood banaanbaxa dhigayay ayaa waxay iyaguna sheegeen in ay Safaaarda ku leeyihiin lacag farabadan oo looga soo qaaday qalabkii lagu dhisayay Safaarada ilaa iyo hadana aan lsiin wax lacag ah.

Ugu dambeen weli wax jawaab ah kama bixin Madaxda Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dowladda Imaaraadka Carabta Magaalada Muqdisho iyo Madaxda dowladda Federaalka Sooomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media