Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan Xarumaha Caafimaad ayaa waxaa buux dhaafiyay boqolaal shacab ah, kuwaasi oo baadi goob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen eheladooda oo ka maqan.
Dadkaan ayaa buux dhaafiyay Isbitaalada waaweyn, iyagoona raadinaya qarabadooda ama ehelkooda, kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Saacadihii lasoo dhaafay Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ayaa waxaa la dhigay dad qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana jira dad badan oo raadinaya dadkaas dhaawacmay oo qaarkood lagu la’yahay nolal iyo geeri.
Dhimashada qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontaroo Afgooye ayaa gaartay 79 Ruux, halka 149 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana inta badan dadkaas ay ahaayeen kuwo shacab ah.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Diyaarad ka timid dalka Turkiga oo loogu talagalay inay qaado dadka qaba dhaawacyada Culus ee dalka aan waxba looga qabana Karin, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay qaado dadkaas.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye, waxaana qaraxaas uu ka mid noqday kuwa ugu Khasaaraha badan eek a dhacay Magaalada Muqdisho.