Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay qaabka ay u suurtagashay in gacanta lagu dhigo askarigii dilay Safiyo Cabdiraxmaan Maxamuud oo aheyd Gabar Macalimad ah.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble oo u sheegay in askarigii dilay macallimadda uu iskiis isu soo dhiibay, kiiskiisana sharciga loo gudbin doono, wuxuuse intaa ku daray in ay “rasaastu ka fakatay askariga”.
Askariga waan haynaa, sharciga ayaan hor gaynaynaa wixii uu ka helo ayuuna leeyahay” ayuu yiri kornayl Qaasim oo intaas ku daray in marxuumadda maanta la aasay ayuu yiri Afhayeen Qaasim,isaga oo la hadlayay Bbc-da.
Tiro ka dhowr jeer ayaa askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda waxa ay dilal u geystaan dadka Shacabka ah welina majirto askari loo xukumay.