Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Itoobiya Jeneraal Damelesh Garbamichel oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku aadan Talisyada labada dal.
Inta uu socday kulanka dhexmaray Taliye Xijaar iyo Damelesh Garbamichel ayaa waxaa ay kulankooda diirada ku saareen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada ciidan iyo sidii ay isku dhaafsan lahaayeen xogaha dhinaca amniga.
Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka Itoobiya ayaa kulanka kadib heshiis ku wada gaaray Iskaashi dhexmara oo ku aadan dhinaca amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta booliiska labada dal.
Hay’adaha ammaanka Soomaaliya madaxdooda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku qulqulayay dalka Itoobiya, waxa ayna heshiisyo kala duwan la saxiixdeen hay’adaha ammaanka Itoobiya sida Nabad sugida, booliiska iyo milatariga.
Taliye Xijaar ayaa dalka Itoobiya ayaa waxaa laba maalin kahor uga qeyb galay meertada 24-aad ee Shirka Guud ee Ururka EAPCCO oo ka dhacay dalkaas, waxaana shirka diirada lagu saaray sidii ay dalalka gobolku isaga kaashan lahaayeen arrimaha amniga.