Siihayaha RW dalka iyo Safiirka Sweden ee Samalia oo kulan yeeshay

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda  Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Staffan Tillander.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u dhiska Soomaaliya.

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed khaddar ayaa dowladda Sweden uga mahadceliyay taageeradeeda Soomaaliya, isagoona boggaadiyay howlaha shaqo ee Safiir Staffan Tillander.

Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo dowladda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media