Boliska Tanzania oo baaraya Nin Tanzanian ah oo ka qeyb galay Weerarkii Alshabaab ee Jaamacadda Garissa

Afhayeenadda  Booliska Tanzania, Advera Bulimba ayaa sheegtay inay baaritaan ku hayaan Nin Tanzanian ah oo ay gacanta ku dhigeen Ciiddanka Kenya maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay, kaasi oo lala xiriirinayo Weerarkii Alshabaab ay Khamiistii hore ka geysteen Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya.

Afhayeenadda oo la hadashay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam ayaa sheegtay inay waqti hore tahay in lagu degdego Ninka la tuhunsan yahay.

Waxay intaasi ku dartay inay dadaal ugu jiraan sidii loo xaqiijin lahaa inuu Eedeysanahaasi yahay Muwaadin Tanzanian ah. Iyo inay jiraan Arday Tanzanian ah oo wax ka dhigan jirey Jaamacadaasi.

Hay’adaha Ammaanka ee Kenya  ayaa horey u sheegay inay gacanta ku dhigeen 5 nin oo mid ka mid u dhashay dalka  Tanzania, kuwaasi oo lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ka geysteen Jamaacadda Garissa, oo lagu dilay 142-arday, saddex Askari iyo 3 ka tirsan  Ilaaladda Gaarka ee Jamaacadaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor