Boliska dalka Britain oo xiray Aabe Somali iyo wiilkiisa+Sawirro

Labadaasi qof ayaa lagu qabtay iyagoo qaad ku haystay Rug lagu iibiyo Kafeyga oo ku taalla Degmadda Kentish ee duleedka magaalladda London.

Hadal ka soo baxay Boliska, ayaa sheegay inay hawlgalkaasi qaadeen, kadib, markii ay heleen warar sheegayo in Qaad lagu iibiyo goobta lagu xiray wiilka, halka uu Aabihiisana iskiisa u tegay Saldhigga Boliska ee Kamdeen.

Saraakiisha Boliska waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen shan boorso oo la rumeysan yahay inay ka buuxeen qaad iyo lacag kaash ah oo dhan 2,500 Giniga Istarliinka ee Britain.

Qabashadda ayaa timid, ku-dhawaad hal sanno kadib, markii dalka Britain laga mamnuucay qaadka oo lagu tilmaamay Mukhaadaraad Heerka Saddexaad.qaadka qaad

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor