Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay + Sawirro

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Ajnabiga oo la ansixiyey, Ergada Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo noqonaya 350, Somalia iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladaha Qaxootiga iyo Xawaaladaha, Qoysas barakacayaal oo dib u dejin loo sameeyey, Xukunno lagu ridey askar falal danbi lagu helay, Soomaaliya oo laga taageerayo dagaalka Argagaxisada, Horjoogeyaal Al-Shabaab ah oo la dilay, 110 Arday oo la guddoonsiiyey shahaadada Master-ka iyo Saraakiil dhameysatay tababar Layli Sarkaal.

Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Ajnabiga oo la ansixiyey

Golaha Wasiirada ayaa 23kii April 2015 ka dooday Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha ajnabiga oo dood dheer ka dib ay si akhlabiyad leh u ansixiyeen. Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha ayaa soo diyaarisay Hindise Sharciyeedkan oo qeexaya xaquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka howlgala Soomaaliya. Waxaana uu sharcigan sheegayaa in mudnaanta koowaad la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed marka la xulayo shaqaalaha ka howlgalaya Soomaaliya, isla markaasna shaqaalaha ajaanibta ah ay noqdaan kuwa soo dhameystira dhammaan waajibaadyada ku waajiba sida inay dal ku-gal codsadaan iyo inay helaan ruqsada shaqada inta aysan dalka gudihiisa ka bilaabin wax shaqo ah. Sidoo kale shaqaalaha ajaanibta ah waa inay u hoggaansamaan shuruucda dalka, gaar ahaan shuruucda shaqaalaha Ajaanibta ah. Hindise Sharciyeedkan ayaa siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed mudnaan gaar ah, tanoo buuxin doonta baahida shaqo la’aanta heysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ergada Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo noqonaya 350

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa 23kii April 2015 ku dhowaaqay in Ergada Maamul u sameynta Gobollada dhexe ay noqonayaan 350 xubnood, ka dib kulamo wadatashi ah oo in muddo ah ka socday Cadaado. Guddiga Farsamada, madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo in muddo ahba kulammo la lahaa Dowladda Federaalka ayaa waxaa la isku waafaqay in Oday Dhaqameedyada ay howlgalaan oo ay soo xulaan ergada iyo in la isla gartay in ergada ay noqoto 350 loona soo xulo sida ugu dhaqsiyaha badan. Sidoo kale waxaa la isla gartay in guddiga farsamada loo daayo habsami u socodka dhismaha maamulka KMG ah ee Gobollada Dhexe si howlahaas ay u noqdaan mid ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada qeybgalaan maamul u sameynta gobollada dhexe. Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in si caddaalad iyo sinnaan ah looga wada qeybgalo si maamulka la sameynayo uu u noqdo mid matalaya shacabka deegaanka.

Somalia iyo Kenya oo ka wada hadlay Qaxootiga iyo Xawaaladaha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa gaaray Nairobi oo uu kulamo la qaatay madaxda dalka Kenya oo ay ka wada hadleen arrimaha qaxootiga iyo xayiraadii lagu sameeyey xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Somalia iyo Kenya ay isla garteen in habka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya ay tahay in la dar-dargeliyo barnaamijka 3 geesoodka ah ee Kenya, Somalia iyo UNHCR si dib u dejin loogu sameeyo qaxootiga si loogu helo tasiilaadkii iyo noloshii ay u baahnaayeen qaxootiga. Dowladda Federaalka ayaa aaminsan in soo noqoshada qaxootiga ay ku soo laabanayaan dalkooda hooyo ay muhiim tahay, hase yeeshee ay u baahanyihiin hooy, nolol, waxbarasho, caafimaad iyo daryeelka ay istaahilaan, tanoo ku iman karta in si qorsheysan looga wada shaqeeyo si qaxootiga Soomaaliyeed ay dalkooda dib u dhiskiisa ay ka shaqeeyaan. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday madaxda Kenya in xawaaladaha Soomaalida dib loo furo oo ay u adeegaan bulshada Soomaaliyeed oo ku nool lacagaha loo soo mariyo xawaaladaha. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed iyo xawaaladahaba ay kaalin weyn ka qaataan kobcinta dhaqaalaha Kenya iyo Soomaaliya oo ay u baahan yihiin in lagu dhiiri geliyo howlahaas muhiimka ah oo ay bulshada u hayaan.

Qoysas barakacayaal oo dib u dejin loo sameeyey

Dhul ay leedahay dowladda oo ku yaala duleedka Muqdisho ayuu maamulka Gobolka Banaadir uu dib u dejin ugu sameeyay qoysas dhawaan laga soo raray xarumaha dowladda ee danta guud oo muddo 24 sano ka badan ay deganaayeen. Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Mungab), Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho ayaa 21kii April 2015 shaaciyay in dhulkaasi ay dowladda ku wareejisay qoysas laga soo saaray xarumaha dowladda, maamulkana uu gacan ku siinayo sidii ay u dhisan lahaayeen. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa digniin u jeediyay dadka doonaya inay sheegtaan Milkiyadda dhulka dowladda uuna sheegay in tallaabo cad laga qaadi doono. Dhulkan uu maamulka gobolka Banaadir ku wareejiyay qoysas Soomaaliyeed oo ku yaala aga-gaarka Taliska Ciidanka Asluubta ayaa ah dhul banaan oo ay dowladda u qorsheysay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka aan heysan hoy, tanoo ah siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xukunno lagu ridey askar falal danbi lagu helay

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 20kii April 2015 xukunno isagu jira dil iyo xabsi ciidan ku riday askar ka tirsan ciidanka, kadib markii la horgeeyay racfaan ay ka qaateen Maxkamadda darajada Koowaad oo horey xukunno kala duwan ku riday. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida markay aragtay Racfaanka xeer ilaaliyaha guud ee la xiriirta Dable Cabdullaahi Foox foox oo maqane ah iyo Xidigle Axmed Biyoole Xasan, ayey Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ku dhawaaqday xukunka waxeyna ku xakuntay dil toogasho ah Dable Cabdullaahi Foox Foox iyo Cabdullaahi Xasan Cadaan. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Xidigle Axmed Biyoole Xasan 3 sano oo xabsi ciidan ah, oo ah fakintii uu fakiyay xukunsane Dable Cabdulaahi Cali Foox Foox. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ah waday hirgelinta Qorshaha Xasilinta Dalka iyo sidii dadka dambiilayaasha ah loola xisaabtami lahaa oo maxkamad loo saari lahaa si danbiyada ay u yaraadaan oo waddanka uu noqdo mid nabad ah oo xasilan.

Soomaaliya oo laga taageerayo dagaalka Argagaxisada

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Bariga Afrika ayaa 19kii April 2015 si qota dheer wadatashi uga yeeshay amniga Geeska Afrika iyo sida looga hortagi karo argagixisanimada. Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Geeska Afrika, ayaa waxaa shir maalin socday oo ka dhacay magaalada xeebta ku taalla ee Aqaba, ku casuumey Boqorka Urdun Cabdalla, si loo helo qorshe iyo talaabo mideysan oo lagu ciribtirayo argagixisada. Hoggaamiyeyaasha ayaa si gaar ah isu tusaaleeyay, iskuna raacey in Soomaaliya si gaar ah looga taageero dagaalka ay kula jirto kooxaha nabadda diiddan oo qalqal gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika. Shirkan oo 19kii April 2015 la soo gabagabeeyay ayaa waxaa la isku raacey in argagixisanimada ay khatar ku tahay caalamka oo dhan, loona baahan yahay in si wadajir ah mas’uliyad la isaga saaro baabi’inteeda.

Horjoogeyaal Al-Shabaab ah oo la dilay

Ciidamada Hay’adaha Amniga ee dowladda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay toogasho ku dileen labo horjooge oo ka tirsan Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS iyo maleeshiyaad kale oo la socday. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ciidanka amniga ay toogasho ku dileen labo horjooge oo lagu kala magacaabi jiray Daahir Warsame oo ay Shabaabku u yaqaaniin (Cabdullaahi Firdhin) iyo Horjooge kale oo isna la oran jiray Xasan Sacdi iyo saddex kale oo ilaalo u ahayd horjoogayaasha la dilay. Labodan horjooge ayaa mid waxa uu Shabaabku u qaabilsanaa amniyaadka, halka kan labaadna uu u qaabilsanaa dhanka Burcadeednimada, kuwaasi oo dhibaatooyin ku hayay shacabka ku nool deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

110 Arday oo la guddoonsiiyey shahaadada Master-ka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahaana ku simaha Madaxweynaha dalka oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya ayaa 19kii April 2015 ka qeyb galay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay 110 arday oo dhameysatay heerka labaaad ee waxbarashada Jaamacada Master-ka oo ay iska kaashadeen Jaamacadaha Hope iyo Jaamacada Kampala ee wadanka Uganda. Sidoo kale xafladan qalin jebinta ah ayaa waxaa joogay Aqoonyahano iyo dhaqaatiir u dhashay dalka Masar waxaana ardayda qalin jebineysay ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka turjamaysa waxbarashada qiimaha ay leedahay. Madaxa Jaamacada Hope qeybteeda magaaladda Muqdisho Maxamed Sheekh C/raxmaan ayaa tilmaamay in ardayda ka qalin jabisay guud ahaan ay dhan yihiin 110 arday. Ardaydaasi waxaa ay isugu jireen 5 Kuliyadood oo ay kamid tahay Kuliyadda Public Health. Safiirka dowlada aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubbad Rooble ayaa hambalyo u diray ardayda qalin jebisay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa kula dardaarmay ardayda qalin jebisay in aqoontooda ay dalka iyo dadka ugu faa’ideeyaan, isagoo shahaadooyinka gudoonsiiyay ardaydii qalin jebisay.

Saraakiil dhameysatay tababar Layli Sarkaal

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General, C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa 19kii April 2015 tababar usoo xiray saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah. Saraakiishan dhameysatay tababarka Layli Sarkaal ayaa in muddo dhowr bilood ah ay tababar kusoo qaadanayeen dalka Uganda, sidoo kalana xerada Jazeera lagu barayay shuruucda iyo dhaqanka laga doonayo askariga Soomaaliyeed. Taliyaha Xogga dalka Soomaaliya Gen. Daahir Aaden Cilmi, ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidamadan lagu soo xulay markii hore shuruudo ay kamid yihiin dabeecad wanaag iyo aqoon, isagoo intaa raaciyay in Soomaaliya ay xiligan ujaheystay sidii ay wadankeeda udhisan laheyd, ciidankana uu yahay kuwii hormuudka u noqon lahaa dib u dhiska Soomaaliya Nabad ah oo xasiloon. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan. Tababarkan oo ahaa mid heer sare ah oo kor loogu qaadayo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidanka ayaa lagu dhiiri geliyey inay illaaliyaan Xaquuqda aasaasiga ah ee shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sheegay in askariga Soomaaliyeed uu ka adkeysi badan yahay kuwa caalamka kana dulqaad badan yahay dhan walba, marka loo fiiriyo duruufaha ciidankeennu ku jiro, haddana iyadoo sidaa ay tahay ka xorreynaya dalka Al-Shabaab. Dowladda waxaa ka go’an inay muhiimadda Koowaad siiso ciidanka dhanka mushaar bixinta, lacagta Dowladda soo gasho, waxa ugu horeeyo ee laga bixiyanayo waa Mushaarka Ciidanka. Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa waxaa darajada min hal xidig u xiray Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo uga mahad celiyey saraakiisha Midowga Yurub ee tababarka bixiyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Weekly1

Weekly7

Weekly2

Weekly3

Weekly4

Weekly5

Weekly6

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor