Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageera ayaa shuruud adag ku xirtay dhaqaalaha ay Soomaaliya ku kabto, gaar ahaan dhaqaalaha loo qorsheyay doorashooyinka ee horay ay Beesha Caalamku u ballan qaadday in Soomaaliya ay siin doonto, si loogu qabto doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Qaraallo loo diray Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiyda doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed ayaa waxaa shuruud ay ku xireen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen.
Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway oo qoraalka diray ayaa waxaa ay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed.
Waxaana sidoo kale ay intaa ku dareen in lacagaha khidmada Musharaxiinta Xildhibaannada lagu soo shubo Bankiga Dhexe, si ay doorashadu u noqoto mid la isku halleyn karo, lana taageeri karo.
Sidoo kale qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada.
Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.