Dhageyso: Degmooyinka Shibis iyo Galcad oo ku baratamay tartan aqooneed-ka Radio Dalsan

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ku baratamay degmooyinka Shibis iyo Galcad oo ka kala tirsan gobolada Banadir iyo Galgaduud.

Degmada Shibis  ayaa usoo gudubtay wareega labaad kadib markii ay 8 iyo 5 ay kaga badiyeen Galcad.

Habeen Dambe waxaa tartami doona degmooyinka Cabdicaziz iyo jalalaqsi, waana kulanka ugu dambeeya ee wareega koowaad ee tartan aqooneedka degmooyinka dalka ee radio dalsan.