Guddoomiyaha Barlamaanka dalkaasi, Nabiih Berri ayaa sheegay inay cunaqabataynta Maraykanka ku soo rogeen 2 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka iyo Sarkaal ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ay tahay fal caddaawad oo ka dhan ah dadka Reer Lubnaan.
Nabiih Berri oo Isbahaysi la ah Ururka Xisbullaahi Lubnaan waxa uu tilmaamay inay Cunaqabatayntaasi tahay weerar lagu soo qaaday Dimuqraadiyadda Lubnaan.
Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka waxay cunaqabatayn ku soo rogtay Saddex Sarkaal oo taabacsan Ururka Xibullaahi Lubnaan, waxayna kala yihiin Xildhibaan Amiin Sherri, Xildhibaan Mxaamed Racad oo ka tirsan Barlamaanka Lubnaan iyo Sarkaal lagu magacaabo Wafiiq Saad, kaasioo xiriiriya Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi.
Xildhibaanadda cunaqabataynta lagu soo rogay waxay ka tirsan yihiin Siyaasiyiinta Ururka Xisbullaahi oo Galaangal xooggan ku leh Siyaasadda iyo Awoodda Milliteri ee Lubnaan