Barakac ka dhashay dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah Sh/Dhexe

Dagaallo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay tuulooyin hoos yimaada degaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay barakaca qoysas badan, kuwaasi oo hadda ku jira xaalad nololeed oo adag, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta degaankaas.

Guddoomiyaha degmada Raage Ceele Cumar Cali Nuur ayaa u sheegay Warvaahinta  in qoysaskan ay culeys ku yihiin degaanka, islamarkaana aanay u heli karin caawimaadda ay u baahan yihiin.

Waxaa uu sheegay in Dagaaladdaasi ay ka dhasheen Dhimasho iyo dhaawac, inkastoo sida uu sheegay aysan wax khasaaro ah soo gaarin dadka shacabka ah ee degaanka, waxaaana sida u sheegay khasaaruhu soo gaaray dhinacyada dagaalamay ee Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo degaanada Hoos yimaada Cadale weeraro culus kusoo qaada.

Guddoomiyaha degmada Raage Ceele Cumar Cali Nuur ayaa sidoo kale sheegay in dadka kusoo Barakacay Degmada ay culays ku keeneen, waxaana uu sheegay in aysan In ay h baahan yihiin Caawinaad iyo gar-gaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyo, maaddama aysan wali jirin cid si gaar ah isugu xilsaartay Wax u qabashada dadkaasi danyarta ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor