Banaanbaxyo xooggan oo maalintii 5-aad ka socda Laascaanood & Rasaas la maqlayo

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah ka socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan inta badan dadka deegaanka magaaladaas oo kasoo horjeeda Maamulka Somaliland ee ka arrimiya magaalada.

Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira haween, dhallinyaro , carruur iyo Odayaal ayaa maanta oo sabti ah waxaa ay banaanbax xooggan ka dhigayaan bartamaha magaalada, iyagoona aad uga careysan dilalka ciidanka Somaliland ay geysteen dad dhigaa banaanbaxyada.

Dadka ayaa waddooyinka Laascaanood ku xiray biro iyo dhagxaan waaweyn, isla markaana laamiga dhex-diisa ku gubaya taayaro, sida lagu arkayay muuqaal laga soo duubay goobaha ay ka socdaan banaanbaxyada oo galay maanta maalintii shanaad.

Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa toogasho ku dilay dhowr qof oo kamid ah dadkii dhigaayay banaanbaxyada, in ka badan 10 qof ayaa lasoo weriyey inay ciidamada rasaas ku dileen, halka tirro intaas badan ay dhaawacmeen.

Gebi ahaan waxaa xiran goobaha Waxbarashada iyo ganacsiga, waxaana Maamulka Somaliland uu ciidamo dheeraad ah oo Milateri ah geeyay meelo kamid ah magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, dowladda Federaalka oo ka hadashay dhibaatada ka jirta magaaladaas ayaa sheegtay inay aad uga tahay waxa ka socda Laascaanood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor