• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Bangiga Caalamiga ah ee Primeir oo soo bandhigay adeegyo cusub

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 26, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xaflad ballaaran oo lagu soo bandhigayay adeegyada Bangiga Premier ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo bandhigay adeegyo cusub oo uu bangigu soo kordhiyay. Wakiilo ka socday shirkadaha xawaaladaha, bankiyada, ganacsato, danjireyaal, bahda waxbarashada, ururada haweenka, dhalinyarada, qurbo-joogta, bahda isboortiga iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabaddan.

Adeegyada Premier Bank soo banadhigay ayaa waxaa ka mid ah maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka, xisaabaad (Akoonno) u gaar ah haweenka (maandeeq account), Internet banking qofka akoonkiisa ku maamulan karo isaga oo meel kasta adduunka ka jooga iyo sidoo kale akoonno loogu talo galay qurbo-joogta oo iyada dhawaan bankigu daah-furi doono.

Sheekh Badruddiin Sheekh  Rashiid Ibraahim oo ka tirsan golaha shareecada ee bankiga ayaa  faahfaahin ka bixiyay hababka maalgelineed ee bankigu isticmaalo (Siyaq-attamwiil al-islaamii) isaga oo ka xusay habka muraabaxada, Ijaarada iyo bayc-asalam. Sheekha ayaa xusay in qaacidada baananka islaamku ku dhisan  tahay in bankigu khatar (risk)  qaato si uu faa’iido xalaal ah u helo.

Bankiga Premier ayaa sidoo soo bandhigay adeegyo aan dalka horay loo keenin sida MasterCard iyo SWIFT oo suurta galinaya in lacagaha loo diro isla markaana lagaaga soo diro caalamka.

“MasterCard oo isugu jira Debit iyo Prepaid ayaa Soomaalida gudaha u suurogelinaya in ay kaararka Premier ku isticmaali karaan daafaha adduunka iyaga oo ATM lacag kala bixi kara, badeeco kaga iibsan kara Point of sale ama Internet-ka wax kaga iibsan kara, halka Soomaalida qurbaha adeegani u suurogelinayo  in ay kaararkooda MasterCard ee dibedda ay ku adeegsan karaan gudaha Soomaaliya” Ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo ah madaxa Operations-ka bankiga.

Cabdiweli Musse oo ah madaxa shirkadaha xawaaladaha ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyay adeegyada uu soo kordhiyay Premier Bank isaga oo ku tilmaamay kaalinta xawaaladaha iyo bankiyadu ugu jiraan Soomalaiya ay la mid tahay kaalinta shidaalku ugu jiro dawladaha Khaliijka. Cabdiweli ayaa sidoo kale ugu baaqay cid kasta oo awoodda in la caawiyo lana ilaaliyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha  guddiga sare ee bangiga Premier Jibriil Hassan Maxamed  ayaa sheegay in ganacsatada bangigaan furtay ay ka jawaabayaan baahida ay bulshada Soomaaliyeed u qabto adeegyada banki ee ay u baahanyihiin isaga oo sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in dadaal iyo waqti fara badan ka galay milkiilayaasha iyo maamulka bankiga sidii uu dalka u keeni lahaa adeegyo casri ah dalka ku xiraya caalamka.

“SWIFT waa adeeg sahlaya in Soomaaliya lacag laga diro isla markaana loo soo diro”. ayuu yiri Jibriil oo intaas ku daray in adeegyadan casriga ah ee Premier soo kordhiyay ay sawir wanaagsan ka bixinayaan dalka.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in loo baahan yahay in bangiyo Islaami oo bixinaya adeegyadan oo kale ay dalka ku bataan taas oo qeyb ka qaadan doonta horumarka iyo maalgashiga waddanka.

Adeegyadan uu soo bandhigay Bangiga Caalamiga Primeir ayaa noqon doona mid haqab tiri doono baahida bulshada Soomaaliyeed u qabto adeegyada Banki ee casriga ah.

primeir (1)primeir (2)primeir (3)primeir (4)primeir (5)primeir (6)primeir (7)primeir (8)primeir (9)

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Ku Wajahan Kismaayo

Next Post

Al Shabaab attack in Kenya leaves more than 25 police officers dead

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
Warar

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

May 18, 2025
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

May 18, 2025
Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

May 18, 2025
Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
Warar

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

May 18, 2025
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
Warar

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

May 17, 2025
Next Post

Al Shabaab attack in Kenya leaves more than 25 police officers dead

10 Killed in Mogadishu Suicide Bombing Targeting Army Recruits

10 Killed in Mogadishu Suicide Bombing Targeting Army Recruits

by Dalsan Editor
May 18, 2025
0

Mogadishu, Somalia – At least 10 people were killed and dozens more injured on Sunday in Somalia’s capital, Mogadishu, after...

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

by Ilhaan
May 18, 2025
0

 Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed...

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
May 18, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in Taliyihii ciidamada Macaawisleyda gobolkaasi, Cabdi Yuusuf Salaad (oo loo yaqaanay Cabdi...

Somalia and Italy Launch Executive Master’s Program to Build Healthcare Leadership Capacity

Somalia and Italy Launch Executive Master’s Program to Build Healthcare Leadership Capacity

by Liban
May 18, 2025
0

MOGADISHU – In a significant step towards revitalizing Somalia’s health sector, the Federal Ministry of Health and Human Services, in...

10 Killed in Mogadishu Suicide Bombing Targeting Army Recruits
English News

10 Killed in Mogadishu Suicide Bombing Targeting Army Recruits

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
Warar

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Italy Launch Executive Master’s Program to Build Healthcare Leadership Capacity
English News

Somalia and Italy Launch Executive Master’s Program to Build Healthcare Leadership Capacity

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Suicide Bombing Targets Army Recruitment Center in Mogadishu: Multiple Casualties Reported
English News

Suicide Bombing Targets Army Recruitment Center in Mogadishu: Multiple Casualties Reported

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • 10 Killed in Mogadishu Suicide Bombing Targeting Army Recruits
  • DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
  • Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
  • Somalia and Italy Launch Executive Master’s Program to Build Healthcare Leadership Capacity

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00