Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu haatan ka socdaa Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu baxay bartamaha Isgoyska Fagax, iyagoona ka careysan muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyeen Golaha Shacabka.
Qaar kamid ah dadka dhigaya banaanbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid yihiin (doonimeyno Farmaajo, hadhaco iyo erayo), waxaana hareeraha laamiga ay ku gubayaan taayaro waaweyn, sida lagu arkay Muuqaalo laga duubay.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka oo kasoo baxay furimaha dagaalka deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa duhurnimadii Maanta la wareegay Fagax iyo xaafaddo ka tirsan Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa.
Ciidamada oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa xalay ku hoyday deegaano dhaca duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegay in Ciidanka ay kasoo horjeedan muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.
Saraakiisha hoggamineysa Ciidamada ayaa la filayaa inay warbaahinta la hadlayaan, waxaana goobta uu banaanbaxo ka socda ku sugan Ciidanka Milateriga, iyadoona la sheegay inay halkaas isaga tageen Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa.