Hay’adda The Henley Passport waxay soo saartay Qiimeynta Baasabooradda ugu sarreeya Caalamka iyo kuwa liita ee sannadkan 2019-ka.
Qiimaynta waxaa lagu muujiyey in Waddamada ugu xoogga badan Baasabooradda Caalamka inay kala galeen Kaalimahan:
Kaalinta 1-aad waxaa wada galay Baasaboorada dalalka Japan iyo Singapore, waxaana mid kasta oo ka mid ah baasabooradaasi lagu tegi karaa 189 Waddan
Kaalinta 2-aad dalalka Finland, Germany, South Korea, waxaana mid kasta oo ka mid ah baasabooradaasi lagu tegi karaa 187 Waddan
Kaalinta 3-aad waxaa ku wada jira Baasabooradda dalalka Denmark, Italy iyo Luxembourg, waxaana mid kasta oo ka mid ah baasabooradaasi lagu tegi karaa 186 Waddan
Kaalinta 4-aad waxaa wada galay Baasabooradda dalalka France, Spain iyo Sweden, waxaana mid kasta oo ka mid ah baasabooradaasi lagu tegi karaa 185 Waddan
Kaalinta 5-aad waxaa ku wada jira dalalka Austria, Netherlands, Portugal iyo Switzerland, waxaana mid kasta oo ka mid ah baasabooradaasi lagu tegi karaa 184 dal
Kaalinta 6-aad waxaa wada galay dalalka Belgium, Canada, Greece, Ireland, Norway, UK iyo Maraykanka, waxaana mid kasta oo ka mid ah baasabooradaasi lagu tegi karaa 183 dal
Kaalinta 7-aad waxaa gashay Jesiiradda Malta, waxaana baasaboorkooda lagu tegi karaa 182 dal
Kaalinta 8-aad waxaa galay dalka Czech Republic, waxaana Baasaboorkooda lagu tegi karaa 182 dal
Kaalinta 9-aad waxaa wada galay dalalka Australia, Iceland, Lithuania iyo New Zealand, waxaana mid kasta oo ka mid ah baasabooradaasi lagu tegi karaa 180 dal
Kaalinta 10-aad waxaa wada galay dalalka Latvia, Slovakia iyo Slovenia, waxaana mid kasta oo ka mid ah baasabooradaasi lagu tegi karaa 179 dal
Dhinaca kale, Qiimeynta Hay’adda The Henley Passport soo saartay Sannadkan waxaa kaloo lagu xusay dalalka ay Baasabooradooda heerka ugu hooseeya kaga jira dalalka lagu tegi karo iyo kuwa Fiiso la’aanta lagu geli karo.
Hay’adda The Henley Passport waxay Baasabooradda ugu liita Caalamka sannadkan ku sheegtay inay yihiin Baasaboorada laga isticmaalo dalalka: Eritrea, Iran, Lebanon, North Korea, Nepal, Libya, Palestinian, Sudan, Yemen, Somalia, Pakistan, Syria, Iraq iyo Afghanistan.
Hay’adda The Henley Passport waxay Qiimeynteeda ku sheegtay in Baasaboorka Somalia lagu tegi karo 31 Waddan.