Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo meel mariyay golaha wasiirada Hirshabeelle.

Barlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Jowhar ee gobalka Sh/dhexe waxaana ay aad uga doodeen ansixinta golaha cusub ee wasiirada maamulkaas oo dhowaan uu ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka Hirshabeellle Cali C/laahi Cosoblle.

Kulanka waxaa sooxaadiray dhamaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaana markii dambe cod gacan taaga lagu ansixiyay golaha wasiirada ee maamulkaas,Gudoomiyaha baarlamaanka ayaana ku dhawaaqay in ay ansaxyihiin golaha cusubi.

Dhinaca kalana waxa buuq uu ka dhashay ansixinta wasiirada waxaana sameyay xildhibanaada diidana golaha aadka u badan ee wasiirada waxaana markii dambe la keenayay hoolka ciidamo Booliis ah oo amniga la wareegay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media