Wargeyska The Star.com ee la mataanaystan Toronto Star ayaa soo daabacay Wareysi ay dhowr bilood ka hor la yeesheen Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Kooxaha Islaamiga ee Somalia ee wax ka soo asaasatay Ururkii Al-itixaad, Golihii Maxkamadaha Islaamka iyo Ururkii Xisbul-islaam.
Maqaalka Waresysigha lala yeeshay Sheekh Xasan Daahir Awweys ayaa hal-ku-dheg looga dhigay:- “Kulankii aan la yeeshay Argagixiyihii lagu illaabay gudaha Somalia” ayaa waxaa la qaaday dhowr bilood ka hor muddadii ay xilalka hayeen Madaxweynihii Maraykanka, Barack iyo Madaxweynihii Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay socdeen Dadaalo diplomaasiyadeed oo lagu doonayey in Sheekh Xasan Daahir Aweys lagu dejiyo dalka Qatar.
Xasan Daahir oo Dowladda Federalka isku so oddhiibay sannadkii 2013-kii ayaa waxa uu weli ku xiran yahay Xabsi Guri oo uu kula nool yahay Xaasaskiisa iyo 28-carruur ah.
Saxafiyadda Wareysiga qaaaday oo lagu magacaabo Michelle Shephard oo ka tirsan Wargeyska Toronto Star ayaa sheegtay inay tahay markii 2-aad ee ay Wareysato Sheekh Daahir Aweys, iyadoo Wareysigeedii hore la yeelatay Xilligii ay Golaha Maxkamadaha Islaamka maamuli jireen magaalladda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Goballadda Koonfurta Somalia.
Mar wax laga wedyiiyey muddaii uu ka tirsanaa dhacdooyinkii uu sameeyey muddadii u uka tirsanaa Ururkii Xisbul-islaam iyo Alshabaab waxa uu sheegay inay ahayd Qaddiyad sax ah go’aankaasi, wuxuuna xusay inay dhinaciisa iyo Dowladdaba dileen dad rayid ah, waa sida uu hadalka u yiri.
Xasan Daahir Aweys waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inuu taageersan yahay Alshabaab, balse uusan ka mid ahayn, waa sida uu hdalka u dhigay, balse, waxa uu tilmaamay inay isaga iyo Alshabaab isku caddow u ahaayeen Dowladda, taasi ay keentay inay meel uga soo wada jeetaan Dagaalka lagula jiray Dowladda.
Wuxuuna intaasi ku daray inuu farqi u dhexeeyo Ka-tirsanaanshaha iyo Taageeridda Alshabaab.
Dhinaca kale, waxaa kale oo wax laga weydiiyey inuu Daacish taageersan yahay iyo in kale, wuxuuna sheegay inuu ka soo horjeedo Inay dalka Somalia ka dagaalamaan, isla markaana uu Hoggaamiyaha Daacish yahay mid is-magacaabay.
Ugu dambeyntii, Xasan Daahir waxaa la weydiiyey inuu ka tanaasulay Fiukirkii uu haystay 10-sanno, wuxuuna isagoo eeegaya Turjumaankii la socday Weriyaha ku yiri: “Iyada ayaa go’aan ka gaari karta arrintaasi”.
Weriyaha Wareysiga qaatay ee Michelle Shephard waxay kaloo sheegtay in sababaha Xasan Daahir Daahir loo soo maxkamadayn la’ yahay tahay isagoo ka soo jeeda Beelaha Hawiye, isla markaana laga baqanayo haddii Dil lagu xukumo inay Qalalaaso kale dhacaan, waa sida uu hadalka u tiri.
Xigasho: TheStar.com
©Radio Dalsan
Remember Hassan Dahir Aweys, U.S. / UN designated terrorist? I sat down with him #Mogadishu for this exclusive chat: