Magaalada Dhuusamareeb ayaa Goordhow waxaa kulan ku yeelan doona Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowla Goboleedka Galmudug, waxaana hada socda diyaar garoow ku aadan kulankaas.
Xildhibnaanada Baarlamaanka ayaa kulankooda uga hadli doona Arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa oo maalinta berri oo Axad ah lagu wado inay ka dhacdo Dhuusamareeb.
Kulankan ayaa waxaa lagu wadaa inuu shir Guddoomiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Galmudug.
Wafdi ka socad Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaran Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo la tilmaamay inay goobjoog ka noqonayaa Doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Maanta oo sabti ah ayaa Dhuusamareeb waxaa laga dareemayaa qaban-qabadii ugu dambeeysay ee Arrimaha Galmudug, waxaana halkaas kulamo xasaasi ah wada Musharaxiinta.
Ammaanka Magaalada ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka qaar la dhigay Ciidamo gaar ah, iyadoona sugida amniga ay iska kaashnayan Ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.