Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askartii ka dambeysay Dilkii loo geystay Taliyihii Ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka amniga gacanta ay ku dhigeen Askartii ka dambeysay dilka Taliye Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo qaar kamid ah Ilaaladiisa.
Sidoo kale Taliye Zakiya oo War qoraal ah soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in gacanta lagu dhigay dhamaan Ciidankii ku sugnaa barta Koontarool ee uu ka dhacay falkii Israsaaseynta ahaa,isla markaana haatan uu ku socdaan baaritaano kala duwan.
Gelinkii dambe ee shalay ayaa Ciidamo Ilaalo ka ahaa Hotel Maa’id Ex Naasa-habdood laba waxaa ay rasaas xoogan ku fureen Gaariga Taliyihii Ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya iyo qaar kamid ah Ilaaladiisa,iyadoona rasaas uu ku dhintay Taliyaha iyo Ciidankii la socday.
Si kastaba Taliye Maxaadeey ayaa waxaa uu ahaa Taliyihii Kumaandooska Soomaaliya,isagoona lagu tababaray dalka Turkiga,sidoo kalena ahaa Taliyihii hogaaminaayay Ciidankii xoreeyay Degmada Awdheeglle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.