Askari ku dilay Magaalada Muqdisho xaaskiisa (Akhriso Dhacdo Naxdin leh)

Faah faahino ayaa laha helayaa Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay Magaalada Muqdisho ku dilay xaaskiisa uu qabay, sida aan wararka helnay.

Lamaanahan ayaa sanad kayar wada noolaa, waxa uuna dilka ka dhacay xaafad aan aheyn mida ay kunoolaayee, kadib markii Gabadha gurigeeda oo ku yaalla degmada Dayniile uga tagtay dagaal ay la gashay haween kale oo la sheegay inay ehel ahaayeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga oo damcay in xaaskiisa uu dib ugu celiyo gurigeeda dagaalkii ay gashay kadib, balse waxaa goobta ka bilowday muran dheer oo dhex maray Askariga iyo xaaskii uu qabay, isagoona markii dambe Madaxa ka toogtay.

Dad kusoo baxay muranka ayaa sheegay in Askariga oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya uu goobta isaga tegay, waxaana halkaas Meydka gabadha ka qaaday dad goobta ka agdhawaa.

Marxuumada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sahra Cusmaan, waxaana Askariga falka geystay oo magacaabiisa lagu sheegay Axmed Cabduqaadir ( Axmed Jareere) uu Gabadha qabay wax kayar sanad.

Dhadadaan ayaa laga hadal hayaa degmada deyliine ee Gobolka Banaadir, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen inay argagax badan ku beertay falkaas, iyadoona dilalka nuucan oo kale muddooyinkii dambe ay ku soo badanayeen gudaha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media