Wafdi ka socda Hirshabeelle oo ku wajahan Magaalada Baladweyne

Wafdi ka socda dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale, iyagoona la filayo in saacadaha soo socda ay tegaan halkaas.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay qabaan dadka degan Hiiraan.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan la qaatan maamulka Magaalada, Odayaasha iyo qeybaha Bulshada, iyagoona kala hadlay tabashada ay ka qabaan dhimsha maamulka iyo arrimo kale.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baladweyne ka dhacayay banaanbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoona xusid mudan tahay in banaanbaxayada dad loo xiray.

Dhinaca kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhowr mar ka baaqda safar uu ku tegi lahaa Baladweyne oo si weyn looga soo horjeedo isaga, waxaana halkaas ku sugan Madaxweyne ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Duleedka Baladweyne ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Maleeshiyaad ah oo uu wato Generaal lagu magacaab Abuukar Warsame Xuud, wuxuuna sheegay inay kasoo horjeedan doorashii Cali Guudlaawe, isla markaana arrintaas ay tabasho ka qabaan, iyadoona Ciidanka dowladda ay weerar xoogan ku qaadeen Sarkaalka iyo Ciidankiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media