Taliska Booliska ee dalka Giriiga ayaa waxaa ay sheegeen in Askarigaasi la xiray, kadib, markii uu dhac hubeysan u geystay 11 kaalimo Shidaal oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Athenis.
Askarigaasi oo la xiray Waaberigii hore ee shalay oo sabti aheyd waxaa laga joojiyey Shaqadii Boolisnimo, waxaana ku socda su’al-weydiinta Waaxda Dembi-baarista ee Boliska dalkaasi.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin arrimaha ku xeeran Xarigiisa iyo khasaraha ka dhashay dhacii uu geystay muddadii u dhexeysay bishii April 9-dii ilaa bishn June 19-dii.