Wararka nagasoo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Askari horay ugasoo goystay Al-Shabaab,dhawaana isku-soo dhiibay ciidamada Maamulka Jubbaland uu geystay fal dila ah.
Dad lagu kalsoon yahay oo ku sugan Balad Xaawo ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Askarigaas uu mudo laba todobaad kahor ah uu isku soo dhiibay ciidamada Jubbaland ee degmada Dooloow sidaasna loogu soo wareejiyeyBalad Xaawo.
Askarigaas ayaa waxaa la geeyey Xarun Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ku leeyihiin degmada Balad Xaawo,waxana la sheegay in uu dilay askari ka tirsanaa ilaalada Xarunta Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ku leedahay Balad xawo kadibna uu horay usii qaatay qorigii askariga uu dilay.
Saraakiisha Ciidamada dowaldda iyo kuwa Maamulka Jubbaland weli dhacdadaan kama hadlin waana mid nadir ku ah dalka,balse la xasuusto in horay askari kazoo goystay Al-Shabaab uu dilay taliyihii ciidanka Nabadsugida Gobolka Shabeellaha dhexe Cabduweli Ibraahim Junbur.