Duqa Cusub ee Muqdisho oo Xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Munaasabad ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee xamar, kana soo qeybgaleen Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Wasiiro, Xildhibaano, Odiyaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada, ayaa waxa uu Guddoomiyihii hore ugu mahadceliyay Bulshada Gobolka, Howlwadeenada iyo Saraakiisha Laamaha Amaanka ee lasoo shaqeeyay inta uu xilka haayay, asigoona codsaday in lala shaqeeyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale.

Ugu danbeyn Duqa Cusub ee Caasimada Muqdisho ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimada, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor