Ugu yaraan 5 Askari oo Kenyan ayaa saakayto ku dhaawacantay miino la kacday gaarigii ay wateen meel ku dhow xuduudka Somalia.
Xiriiriyaha Gobalkac W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay in Askarta dhaawacantay loola cararay Isbitaalka.
“Gaarigooda waxa uu dul-maray miino looga shakisan yahay inay aaseen Alshabaab†ayuu yiri Mohamoud Salah oo intaasi ku daray inay Ciiddanki ilaalo ka hayeen xuduudka weyn, markii ay miinadu la kacday.
Dadka deggaanka Hulugho ee u dhow xuduudka Somalia iyo Kenya ayaa sheegay inay maqleen qaraxaasi, isla markaana ay arkeen gaarigii Milliteriga oo uu ka muuqday burbur xooggan.
Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Kenya, Colonel David Obonyo ayaa xaqiijiyey qaraxaasi, wuxuuna xusay in miinada lala beegsaday gaariga ciiddanka ee ilaaladda ka hayeen Deegaanka Hulugho.
Gaariga Milliteriga Kenya waxaa miinadda lagula eegtay meel qiyaastii 5 KM u jirta Xeradda ay ku leeyihiin Xuduudka.
Qaraxan ayaa waxa uu ku soo beegmay labo maalin ka hor, marka uu Baadariga ugu weyn Masiixiga, Pope Francis uu maalinta Arbacadda booqasho ku imaan doono dalka Kenya.
Baadariga waxa uu booqasho 3 maalmood ku joogi doonaa Kenya, isagoo la kulmi doona Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiyayaasha Diinta.
© Radio Dalsan