Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shil Gaari

Faah faahino ayaa laga helayaa Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari, kadib markii u meel u dhow degmada Balcad uu gaari saarnaayeen Ciidankaas kula rogmaday.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano Tikniko oo ay saarnaayeen Ciidanka Nabadsugida ayaa mar qura rogmaday, xilli uu ku socday xawaare sare, waxaana Ciidankaas oo ka baxay Magaalada Muqdisho kusii jeedeen degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyey shan Askari oo kamid ah Ciidanka Nabadsugida dowladda  ayaa  ku dhintay shilka gaari, halka 8 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo durbadii loo soo qaaday Isbitaal ku yaalla Muqdisho, si xaaladdooda loogu dabiibo.

Askartan shilka gashay ayaa kusii jeeday degmada Balcad oo maalmihii la soo dhaafay uu saldhigtay taliyaha Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, isagoo halkaasi ka wada abaabulka dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiil laamaha ammaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in wadaha gaariga oo si xowli ah u waday gaariga cabsi qarax darteed uu sababay inuu rogmado gaariga, taasoo keentay inuu wadadii uu ku socday mar qura qabo, isla markaana  uu rogmado.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor