Meydka Farxaan Qaroole oo Maanta lagu Aasayo qaruubo ku yaal Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta oo sabti lagu wadaa in qaruubo ku yaalla Magaalada Muqdisho lagu aaso Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo shalay lagu dilay qarax miino oo lagula beegsaday deegaanka Basra.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne farabadan ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Salaada Janaasada Marxuum Farxaan Maxamuud, kadibna loo sameeyo Aas qaran.

Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa ku dhintay qarax miino dhulka lagu aasay, oo ka dhacay deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xilliga uu qaraxu dhacaayay Farxaan uu socday wado laga waday howlgal miino baaris ah, isagoo ka degay gaari nooca aan xabada karin.

Waxaa tacsi u diray Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha, Wasiirada iyo dhammaan wasiirada iyo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka, iyadoo tacsidiisa ay noqotay warka ugu weyn ee Baraha bulshada maalintii shalay aheyd.

Farxaan Qaroole ayaa markii hore ahaa Taliyaha Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad, kadibna waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, wuxuuna dhowr hoggaaminayey howlgalo laga fuliyey Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor