Askar ka tirsan Ciidanka booliiska oo tababar loo soo xiray

15 askar oo ka tirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan hogaanka Daraawiishta ayaa tababar kor loogu qaadayo xirfadaha; sida naf badbaadinta, tiiraanyo bixinta iyo daryeelka dadka dhaawac ah ku qaatay magaalada Muqdisho.

Tababarka oo socday 12 maalin waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo EUTM.

Xafladda tababarka loogu soo xirey ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo kuwa Midowga Yurub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor