160 Askar u dhalatay Uganda oo qeyb ka ahaa Boliska AMISOM ayaa dhamaystay hawlgal ay Somalia u joogeen muddo hal sanno ah.
Wakiilka Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador
Francisco Madeira waxa uu Abaalmarin Billado ah guddoonsiiyey Ciiddanka ka socday Boliska Uganda, kadib, markii Munaasabad lagu sagootinayey lagu qabtay Xraunta Dhexe ee AMISOM ee magaalladda Muqdisho.
Waxa uu ku ammaanay hawl-karnimadda ay muujiyeen muddadii ay joogeen Somalia, wuxuuna xusay inay si Naf-hurnimo ah u guteen Waajibaadkooda.
Ambassador Madeira waxa kale oo uu ka hadlay Qorshaha Xilliga Kala-guurka ee Somalia, wuxuuna xusay inay muhiim tahay tallaabadda ay AMISOM ay Ciiddanka Somalia ku wareejinayaan sugidda Nabadda iyo Ammaanka dalkooda hooyo.
Dhinaca kale, Ciiddanka Boliska Uganda ee la abaalmariyey oo dib ugu laabanaya dalkooda hooyo, waxay muddadii ay Somalia joogeen ka hawl-galeen sugidda Ammaanka ee Hay’addaha muhiimka ee DFS, Kala-furfurista Qaraxyadda iyo sugidda Ammaanka Muqdisho, Hubinta gaadiidka ee Baraha Baaritaanka ee gudaha Muqdisho iyo iyagoo Hawlgalladda Ilaaladda kala qeyb geli jireen Ciiddanka Boliska Somalia.