Falkaan dilka iyo dhaawaca ah oo dhacay Duhurnimadii Maanta oo Talaado ah ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Rajab Dayib Urdugan EX-Digfeer ee Magalada Muqdisho.
Gaari ay la socdeen Arday dhigata Dugsiga Hoyga Xamar ayaa waxaa rasaas ku furay mid ka mid ah ilaalada Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo Magaciisa lagu sheegay Janeraal Sheegoow.
Darawalka waday gaariga oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in iyaga oo maraya ka soo horjeedka Jaamacadda Jamhuuriya ay wadada noqotay mid mashquul badan,isla markaana Gaari Homey ah uu wadada jaray.
Hayeeshee Ciidamo goobta ku sugnaa iyo mid ka mid ah ilaalada Janeraal Sheegow ay wada murmeen sidaasina askarigii ilaalada u ahaa Janeraal Sheegow uu rasaas ku furay,mid ka mid ah Ardaydii Gaariga saarneyd oo aheyd Gabar Sagaal Sano jir ah ay geeriyootay halka 13 kale oo ardayda ka mid ah ay dhaawacmeen.
Falkaan oo ah mid ku cusub Magalada Muqdisho ayaa waxaa walaac ka muujiyey Waalidiinta Carruurta dhigata Iskuulada ku yaalla Muqdisho,waxaana dowladda Soomaaliya ay ka dalbadeen in Cadaalada lahor-keeno askarigii ka dambeeyey dhacdadii Maanta.