Waxaa Maanta Maxkamadda ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya la soo taagay Saddex Ruux uu kamid yahay Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Maxkamadda Kenya ayaa Raggan uu ku jiro Dr.Bursaliid ku eedeeysay inay xiriir la leeyihiin Ururo argagixiso,isla markaana waxaa ay ka soo hor muuqdeen Maxkamadda Milimani Court.
Eedeeysanayaasha ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cali Cabdi Maxamed,Maxamuud Maxamed Bashiir iyo Xuseen Xasan Maxamuud iyo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid,waxaana Saddex hore laga soo qabtay Xaafada Muguga ee Ismaamulka Kiambu
Sidoo kale Dr-ka ayaa habeenimadii Khamiista aheyd waxaa laga xiray Xaaladda South C ee Magaaalada Nairobi ee dalka Kenya sida lagu daabacay Talefishinka citizen ee laga leeyahay dalkaas.
Dr. Bursaliid ayaa waxaa uu macalin uu ka yahay Jaamacadda University Nairobi,isagoona inta badan ka faalooda arrimaha siyaadda Geeska Afrika,sidoo kalena la shaqeynayay safaarada Mareykanka ee dalkaas ku taalla.