Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay xubnaha Guddiga ka imaanaya dhinaca Aqalka Sare, kuwaasi oo ka kooban 6-xubnood, waxaana lixda xubnood ay Aqalka Sare ku matelayaan Guddiga doorashada Madaxweynaha.
Guddigaan oo lagu daray Guddiga uu soo magacaabayo Golaha Shacabka ayaa ka shaqeyn doona qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha , iyagoona soo saari doona Jadwalka doorashada oo maalmaha soo socda lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.
Dhawaan aheyd markii la qabtay doorashada Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaana haatan la filayaa inay qabsoonto doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha la magacaabay