Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka kooban 8-xubnood, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in Guddigaan ay ka harsan yihiin saddex xubnood, uuna saacadaha soo socda soo saari doono.
Guddigaan oo lagu daray 6 xubnood oo ka imaanaya dhanka Aqalka Sare ayaa ka shaqeyn doona qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha , iyagoona soo saari doona Jadwalka doorashada laga sugayo, sidoo kalena dardar-gelin doona doorashada.
Xubnaha Guddiga ee uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa ay magacyadooda kala yihiin:
1 Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2 Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3 Xildhibaan Nuur Mustafmukhtaar.
4 Xildhibaan Beerey.
5 Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.
6 Xildhibaan Maxamed Caananuug.
7 Xildhibaan Cumar yuusuf.
8 Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.