Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa maanta booqasho Degdeg ah oo aan horey loo shaacinin ku yimid magaalladda Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay Madaxda DF iyo Hay’addaha Caalamiga ee ka hawlgala gudaha dalka Somalia.
Socdaalkiisa ayaa waxa uu diiradda ku saaray Xaalladda Macluusha ee ka jirta Somalia.
“Dadku wey dhimanayaan. Waa inuu Caalamku qaadaa Tallaabo lagu joojinayo arrintaasi” ayuu ku yiri Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.
Waxa uu Caalamka ku booriyey inay Kaalmo cunto iyo Gargaar Aadminimo la soo gaaraan Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Macluusha u baahan tahay Jawaab weyn.
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres markii uu soo gaaray magaalladda Muqdisho waxa uu tilmaamay in Colaadda, Abaaraha, Isbedelka Cimilada, Cudduradda, Daacuun-caloolaha oo isku dhafan yihiin wax qarow xambaarsan.
Just arrived in Somalia on emergency visit to focus on famine & cholera. People are dying. The world must act now to stop this.
©Radio Dalsan