AMISOM oo Ciiddanka Somalia ku wareejinaysa Kulliyadii hore ee Jaalle SIYAAD.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay inay dabayaaqadda bishan Feberaayo.Ciiddanka DFS  ku wareejin doonaan Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ee magaalladda Muqdisho.

 

Xaruntii hore ee Kulliyadda Jaalle Siyaad waxaa horey ugu sugnaa Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo halkaasi degganaa taan iyo sannadkii 2011-kii.

 

Ergayga Khaaska ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia,

Ambassador Francisco Madeira  ayaa ku dhawaaqay Go’aankaasi, kadib, markii ay isaga iyo Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cali Xaggaa kormeer hubin ah ku tegaeen Xaruntii hore ee Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla Degmadda Hodan ee magaalladdan Muqdisho.

Ambassador Francisco Madeira  waxa kale oo uu sheegay inay dayactireen Kulliyadda Jaalle Siyaad, isla markaana ay Ciiddanka Somalia ku wareejin doonaan qalab ay  Ciiddanka Burundi halkaasi ugu tegi doonaan, lana dayactiray Ceel-biyoodka ku yaalla Kulliyaddaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media