Ambassador Francisco Madeira oo sheegay in amar lagu siiyey Xoojinta Ammaanka Barlamaanka iyo Hay’adaha kale

Wakiilka Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM ayaa hadalkaasi ku sheegay War-Saxafadeed uu kaga hadlay Xiisadii Arbacaddi ila soo dhaafay ka dhacday Xarunta Dhexe ee BFS ee Muqdisho.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu faahfaahiyey sababaha ay Ciiddanka AMISOM ula wareegeen Dhismaha Barlamaanka Federalka, wuxuuna xusay inuu amarkaasi ka helay Madaxdiisa Sare ee AU-da ee ku sugan magaalladda Addis Abeba.

Waxa uu intaasi ku daray in isaga la faray inuu Ciiddanka Ammaanka DFS taageero ka siiyaan Xoojinta Ammaanka Hay’addaha Qaranka Somalia oo uu Dhismaha Barlamaanka ka mid yahay.

Dhinaca kale, waxa uu ugu baaqay Xildhibaanadda Soomaalida inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan sidii loo xalin lahaa Khilaafkooda, maadaama ay yihiin Wakiiladda Shacabka.

Wakiilka Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu War Sxaafadeedkiisa ku muujiyey in Xildhibaanadda u kala qeybsameen 2 dhinac, ila markaana la wajahayo  Xaallad Siyaasadeed cakiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media