Ambassador Ali Amerika oo iska difaacay Eedeymihii Guddiga QM ee Xayiraadda Hubka ee Somalia.

Danjirihii Dowladda Somalia u joogay dalka Kenya, Ambassador Mohamed Ali Amerika ayaa sheegay inuu  Kharajka u soo xerooday Safaaradda u adeegsaday inuu ku taageero dadka Soomaalida ee ku dhibaataysan gudaha Kenya.

Qoraal E-mail oo uu Danjire Amerika u diray Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran dalalka Somalia iyo Eritrea (The Monitoring Group on Somalia), ayaa waxa uu ku faahfaahiyey qaabka uu u bixiyey Kharajyadaasi.

Warbixin ay Guddiga QM soo saareen ayaa waxay ku xaqiijiyeen inay Ambassador Amerika la xiriireen muddadii u dhexeysay bishii September  7-dii ilaa 12-keedii ee sannadkan, xilli uu ku sugnaa magaalladda London.

Waxayna tilmaameen inuu Danjiruhu u sheegay in Kharajkii Baasabooradda ka soo xerooday uu u adeegsaday Arrimo Samafal, kuna caawiyey Qaxootiga ku jira Xerooyinka Dadab iyo Kakuma, Haweenka, Waayeelladda iyo dadka Soomaalida ee aan iska bixin Karin kharajka Isbitaalladda, Soomaalida ku eedeysan Burcad-baddednimadda ee ku xiran Xabsiga Mombasa, Taageerida Ardayda Soomaalida ee u baahan in la caawiyo.

Dhinaca kale, Warbixinta Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran Somalia iyo Eritrea oo looga hadlay Qoddobo badan, ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan Maamul-xumo oo ka dhacday Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi.

© Radio Dalsan  

Xigasho: The Monitoring Group on Somalia

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor