Waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Magalada Kismaayo halkaas oo la filayo in dhawaan uu ka furmo shir ay yeelaan doonaan golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Diyaar garowga shirkaas ayaa laga dareemayaa Magalada Kismaayo,waxaana Xarunta Madaxtooyada Jubbaland iyo Wadooyinka ku dhow dhow lagu arkayaa Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya oo amaanka xaqiijinaya.
Wadooyinka qaar waxaa la suray Calanka Soomaaliya iyo kana Maamulka Jubbaland,iyada oo sidoo kale goobaha qaar loo diidayo inay Shacabku maraan.
Gaadiidka qaarkood ee isticmaalaya Wadooyinka ugu muhiimsan ee Magalada Kismaayo ayaa Maanta baaritaano lagu sameynayaa waxaana inta badan ka qeyb qaadanaya Ciidamada Daraawiishta ee dowlad Goboleedka Jubbaland.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magalada Kismaayo ay gaaraan Madaxda Dowlad goboleedyada si ay uga qeyb galaan shirkaas oo looga hadli doono khilaafka dowladda iyo Maamul goboleedyada qaar sida,Jubbaland iyo Galmudug.