Amaanka madaxtooyada Hirshabelle ayaa cawa aad loo adkeeyey sida uu soo sheegayo wariyaheena jowhar .
Ciidamo aad u hubeysan ayaa ku gadaansan hoyga madaxweyne Cosbole kadib weerarki bambooyin ee xalay lagu qaaday madaxtooyada .
Kooxihi xalay werarka qaaday ayaa la sheegay iney baxsadeen waxaana ciidamada ay maanta sameyeen hawlgalo dadkaas lagu baadi goobayo.
Amaanka magaalada Jowhar ayaa ah mid ka sii darayey mudooyinki u dambeeyey iyadoo weerarki u dambeeyey lagu dilay taliyihi booliska degmada Jowhar .