Askari Kenyan ayaa geeriyooday, 5 kalena wey ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay Degmadda Lamu oo ku dhow Xuduudka Somalia.
Labada Qarax oo ahaa miino lagu aasay labo goobood ayaa waxa uu burburiyey Gaari Gaashaaman oo ay Ciiddanka Kenya wateen.
Qaraxyadaasi oo dhacay shalay galab ayaa lala beegsaday Ciiddamo ilaalo ku maraysay meel u dhow Deegaanadda Sirira iyo Ishaken ee Degmadda Lamu.
Afhayeen u hadlay Ciiddanka Kenya ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab fuliyeen Hawlgalka loo adeegsaday miinooyinka lagu aasay Waddooyinka ay Ciiddanka kala kulmeen dhimashadda iyo dhaawaca.
Saraakiil badan ayaa la sheegaay in loo daabulo Deegaanadda ay qaraxyaddu ka dhaceen, si ay u xoojiyaan Ciiddanka Ilaaladda iyo kuwa Sirdoonka.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Dagaalamayaasha dabin Xeellad Milliteri la eegtan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Hawlgalladii ugu dhimashadda badnaa ee Ciiddanka Kenya la kulmeen ayaa waxaa ka mid ahaa Weeraradii ka kala dhacay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo iyo Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/Hoose.
In ka badan 150-Askar Kenyan ayaa lagu dilay Weerarkii Deegaanka Ceel-cadde, halka ugu yaraan 68-kalena lagu dilay Weerarkii Deegaanka Kul-biyow.
©Radio Dalsan