Alqaacida Yemen oo sheegtay inay Maraykanka ka soo rideen Labo Helikopter

Farriin Cod ah oo uu soo diray Hoggaamiyaha Alqaacidada Gacanka Carbeed (AQAP), Qaasim Al-raymi ayaa sheegay in Hawlgalkii ay Komaandooska Maraykanka isbuucii hore ku soo qaadeen Koonfurta Yeman ay ku soo rideen 2 Helikopter, kuna dhaawaceen Tobaneeyo Askar Maraykan ah.

Wuxuu kaloo xusay in Weerarkaasi lagu dilay 14 nin, 11-haween iyo ilmo yar, mana sheegin inay ahaayeen Maleeshiyo iyo in kale.

Qaasim Al-raymi oo sannadkii 2015-kii noqday Hoggaamiyaha Alqaacida joogta Yeman waxa uu tilmaamay in Doqonka jooga Aqalka Cad uu la kulmay khasaaro xanuun badan bilowga safarkiisa Yemen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hawlgalka ay Maraykanka ku qaadeen Al-qaacida joogta Koonfurta Yemen ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Donald Trump amray tan iyo markii uu la wareegay Talada dalkaasi.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media