In ka badan kun Tahriibayaal doonayey inay gaaraan Europe oo lagu xiray Libya.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Libya, Jeneral Ayuub Qaasim  ayaa sheegay inay 431 Tahriibayaal  ku qabteen meel ka baxsan Xeebta Degmdda Sabartha oo 70-KM dhanka Galbeed kaga toosan Casimadda Libya ee Tripoli.

Waxa uu intaasi ku daray iny Tahriibayaashaasi la socdeen 4 dooni oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.

Afhayeenka wax uu xusay inay Ciiddanka iyo Mukhalasiinta tahriibinayey dadkaasi is-dhafsadeen rasaas, ka hor intaysan Mukhalasiinta baxsanin.

Tan iyo bishii la soo dhaafay ee January 27-da waxay Ilaaladda Xeebaha Libya gacanta ku dhigeen 700 qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la socday 3 dooni nooca laga farsameeyo Alwaaxa.

Jimcihii la soo dhaafay, Hoggaamiyayaasha Europe waxay Dowladda Libya u sheegeen inay sinayaan Kharaj iyo Taageeri kasta si loo xakameeyo  Qaxootiga ka soo tahriiba Libya ee ku sii qulqulaya Xeebaha Europe.

Hay’addaha Samaafalka ayaa cambaareeyey Heshiiska EU-da iyo Libya, waxayna sheegeen inay taasi horseedi karo in Tahriibayaasha loo geysto Tacdi iyo Xarig.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media